Codka SV waa cod u ah ilaalinta cimilada iyo qaybinta caddaalada ah

Codka SV waa cod u ah ilaalinta cimilada iyo qaybinta caddaalada ah

Kala duwanaanshaha waa in la yareeyaa

Guryaha, cuntada iyo wax kasta ayaa aad qaali ugu noqday dadka. Dad badan ayaa ka baqaya biilasha bil walba. Dadka tujaarta ah na ayaa laba jibaaray hantidooda 10kii sano ee la soo dhaafay, halka noolasha dadka caadiga ah ay sii adkaatay. Kala duwanaanshuhu aad bu u weyn yahay. Waa in ay dadku helaan dhaqaalo wacan.

Waxaan rabnaa:

● Canshuur cadaalad leh. Dadka leh mushaarka caadiga ah waa in canshuurtooda la yareeyaa, kuwa ugu taajirsanna waa in loo kordhiya.

● In la kordhiyo lacagta carruurta lagu taageero si qoysaska carruurta leh ay u helaan badbaado dhaqaale.

● In dhalinyarada loo abuuro shaqooyin badan oo cusub iyo in la yareeyo qiimaha cayaaraha iyo madadaalada.

Xoojinta adeegyada bulshada

Adeegyada bulshada halis ayay ku jiraan. Dugsiyada, xanaanada iyo adeegyada caafimaadka ayaa la xirayaa oo shaqaale ku filan lama hayo. Xisbiyada dhanka midigta waxay mudnaanta siinayaan canshuur dhmista dadka ugu taajirsan halkii la xoojin lahaa adeegyada bulshada. SV waxay rabtaa in bulshada loo hormariyo oo adeegyada la xoojiyo. Dhaqaale way jirtaa, balse waxa maqan qaybin cadaalad leh.

Waxaan rabnaa:

● In shaqaale ku filan laga helo goobaha shaqada. Waxaan rabnaa in aan dhaqaale wacan galino dugsiyada, xanaanada iyo adeegyada caafimaadka.

● In lacag kasta loo isticmaalo adeegyada bulshada oo aysan ugu dhicin jeebka shirkadaha maal-gashiga waaweyn.

● In la ballaadhiyo adeegyada bulshada. Waxaan rabnaa SFO oo lacag la’aan ah iyo adeegyo ilkaha oo qiimaha raqiis yahay.

Burburka dabeecada iyo isbeddelka cimilada waa in la xalliyo

Dabeecadda ayaa la baabi’inayaa si xawli ah, duniduna way kululaanaysaa. Sidaa darteed waa inaan ilaalinaa dabeecadeena, yareynaa qiiqa hawada iyo inaan abuurno shaqooyin cagaaran oo cusub. Haddii aad ku raacsan tahay in isbeddelka cimilada iyo dabeecadda la xalliyo, waa inaad codkaaga siisid SV.

Waxaan rabnaa:

● In la joojiyo baabi’inta dabeecadda. Waa inaan ilaalinaa kaymaha, wabiyada iyo dhulka beeraleyda. Dabeecadda burburtay sida Oslofjorden waa in la badbaadiyaa.

● In xoogga la saaro isbeddel cagaaran. Waxaan u taaganahay in Norway ay gaarto yoolalka cimilada iyo in shaqooyin cusub la abuuro oo aan saamayn ku yeelan doonin cimilada.

In gaadiidka dadweynaha la hagaajiyo. Waxaan rabnaa in qaska tareenada la xalliyo, adeegyada basaska la wanaajiyo iyo qiimaha adeega basaska ee Ruter la dhimo.

Midnimo caalami ah

Dunidu waxay u baahan tahay hoggaamiyeyaal hormuud ka noqda dagaalka dimuqraadiyadda, midnimada iyo wada shaqeynta. Markuu Trump iyo Putin hanjabaad sameeyaan, waa inaan difaacnaa dimuqraadiyadda. Marka xasuuq yimaado, waa inaan u istaagnaa sharciga caalamiga ah. Marka kala duwanaanshaha dunida sii kordho, waa inaan garab istaagnaa dadka saboolka ah.

Waxaan rabnaa:

● Falastiin oo xor ah. Cunaqabateyn aan saarno Israa’iil. Sanduuqa maalgashiga Norway waa inuu ka baxaa maalgelinta dagaalka..

● Ukraine oo xor ah. Waa inaan sii wadnaa taageerada halganka xoriyadda dalka Ukraine.

● In taageero badan lala muujiyo dadka saboolka ah ee dunida. Dadaalka Norway dhanka la dagaallanka isbeddelka cimilada iyo sinnaanta waa in laba jibaarto.

Dadkan ayaa u tartamaya xisbiga SV ee gobolka Akershus:

Kirsti Bergstø

Hoggaamiyaha xisbiga oo ka soo jeeda Skillebekk

Kirsti waa shaqaale bulshada iyo hoggaamiyaha xisbiga SV. Waxay ku nooshahay Nittedal waxaana lagu soo doortay baarlamaanka Norway ee gobolka Akershus. Waxa u muhiim ah qaybinta cadaaladda ah, deegaanka iyo midnimada bulshada guud.

Balder Alvær Olafsen

Arday oo ka soo jeeda Vøyenenga

Balder wuxuu barta dhaqaalaha bulshada wuxuuna ku jiraa golaha gobolka ee Akershus. Wuxuu u dagaallamaa in qof walba uu helo cayaaro iyo madadaalo uu awoodo, gaadiidka dadweynaha oo wanaagsan iyo Falastiin oo xor ah.

Najma Ahmed

Arday ka soo jeeda xaafada Nesbru

Najma waa ku xigeenka hoggaanka dhalinyarada (Sosialistisk Ungdom) iyo arday. Waxay u dagaallantaa inaysan jirin carruur ku soo koreysa saboolnimo, in dhalinyarada ay guryo yeelan karaan iyo bulsho aan cunsurin iyo takoori lahayn.

Charlott Pedersen

Shaqaale dukaameed ka soo jeeda Hanaborg

Charlott waa wakiil shaqaalaha ee ururka ganacsiga iyo xafiisyada, waxayna ka shaqaynaysay dukaanka muddo 18 sano. Waxay u dagaallantaa in nolosha shaqada ay noqoto mid ammaan ah oo xuquuqda shaqaalaha la dhowro.

Cod bixinta SV waa cod ku saabsan deegaanka iyo qaybinta cadaaladda ah.

Codkaaga muhiim ayuu yahay.

U codee SV doorashada baarlamaanka 11ka Agoosto ilaa iyo 8da Sebtember.